Soomaali

Ururka Waqafka ee Konee (Koneen Säätiö) waxaa la asaasay sannadkii 1956-dii, waana urur madaxbannaan oo aan cidna ku tiirsanayn, kaasoo ah mid ka qaybqaadanaaya sidii caalamka loo horumarin lahaa iyadoo la abuuraayo hindisyooyin ku saabsan arrimaha cilmiga iyo farshaxanka. Ururkan waqafku wuxuu taageeraa cilmibaarisyada ku saabsan dhinacyada cilmiga, dhaqanka iyo farshaxanka. Sidoo kale wuxuu taageero ka gaystaa sidii ay arrimahaan u noqon lahaayeen kuwo cid kasta fahmi karto, iyadoo la adeegsanaayo kaalmada dhaqaale. Waxaa sidoo kale ururku uu qaablisan yahay ilaalinta iyo dayactirka xarunta baaritaanka iyo farshaxanka ee Saaren Kartano ee ku taalla degmada Mynämäki. Ujeedada waqafku waa sidii uu u ahaan lahaa dhanka siyaasadda cilmiga iyo farshaxanka, maalgeliye u feejigan arrimaha ku saabsan cilmiga iyo farshaxanka. Waxaa sidoo kale uu ururuku si firfricooni leh u baaraa islamarkaana uu u soo gudbiyaa, waxyaabo kala duwan oo kuwaa beddelkooda noqon kara.

Adeegyada bogagga internetka ee Koneen Säätiö waxaa ay ku qoran yihiin luqadaha finishka iyo ingiriiska. Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo la xiriira arrinka kaalmada dhaqaalaha, waxaad nagala soo xiriiri kartaa halkaan.